Shirka Garoowe Muxuu Na Baray??

Deni

Waxaanu dhawr jeer oo hore maqalnay Hayadda Heritage iyo shirar hore oo ay qabatay,runtii aad uguma dhuundaloolo wax faa,idaa oo waxtar u lahaa ummadda Soomaaliyeed oo ka soo baxay shirar kaas hore,;laakiin midkaan oo lagu qabtay dalka gudihiisa kuna soo hagaagay marxalad doorasho iyo is haysasho iyo ismariwaa hareeyey qaabkii dalka doorasho uga dhici lahayd,aragti ahaana amuurtu iigu muuqatay faragelin shisheeye waxa ragaadinaaya socosiinta doorashada,dadka Soomaaliyeed inta badana aan filaayo in ay ila qabaan,waxaan islahaa waxaa ka soo bixi doona wax u hiiliya qaranka Soomaaliyeed.
Markii aad dooneysid in aad dal muskiladi xalisid waa in aad aqoon u leedahay taariikhda dhaqan dhaqaale ee dalkaas iyo dadkiisa,Meesha hadda uu joogo iyo wax ku horgudban,sidaas awgeed waxaan is weydiyeey dadka hayada Heritage aqoon ma u leeyihiin ama ogaal arimahaan;-


1-Asalka dhaqan ee Soomaalidu in uu yahay qabaa,il reerguuraa ah oo xoola dhaqataa weligoodna ku dagaalami jirey daaqa iyo biyaha.


2-Markii gumestuhu na qabsaday mushkilada ugu weyn ee uu kala kulmay dadkayaga waxay ahayd in uu xal u helo isku dhacyadii qabaa,ilada ee biyo iyo daaq ku dirirka u badnaa sababina jirey in ay xoolaha laftigoodana kala dhacaan,taas oo keeni jirtey dhimasho badan oo aan loo baahneyn.


3-Xalkii gumestuhu wuxuu noqday in reer walba u sameeyo xuduud uusan dhaafi Karin oo haddii ay abaari dhacdo uusan u guuri Karin agtiisa oo biyo iyo daaq leh taasna keeni jirtey macaluul iyo dhimasho dad iyo xoolaba.


5-Nidaamkii dawladii kacaanka ayaa jabisay xayndaabkii gumeysigu ka tegey ayyada sharci adag iyo awood dawladeed isticmaashay qof kasta halka uu doono in uu dalka kaga noolaan karo.


6-Burburkii wuxuu keenay in dadkii is dhex deganaa dagaalamaan dhulkiina la kala riixdo dad baana guryahoodii ka maqan yahay ilaa maanta.
Haddaba akhristayaal hayadaan Heritage ee cilmibaarista isku sheegtay ee aan anigu u qaatay in dad Soomaaliyeed oo aqoon iyo wadaniyad ku shaqeynaaya abuureen sooyaalka sidaas ah xaalka hadda ee ah Federaal qabyaaladeysan cilmibaaristoodu ma ku qotantaa?
Aan soo ururiyo go,aanadii Garoowe ee heritage,waxay ka hadleen tastuurka oo la dhameystiro,amniga iyo ciidamada,awoodaha dawlada federaalka ah iyo maamul goboleedyada iyo doorashooyinka dhammaan waxay sal uga dhigeen wada ogol in wax looga qabto.
Waxay kaloo soo jeediyeen dhaliilo ku saabsanaa afarta qodob oo federaalku keenay oo sare ku qoran ayyaga oo aan cidna eeda dusha ka saarin waxa shaqadu u socon weydey.SHEEKADU WAA HEBEL GAR LEH HEBALNA GAR LEH.
SU.AALO.


1-Heshiiskii London ee ciidamada yuu ka fuliwaayey waa tii maamul kasta loo qoondheeyey si loo helo ciidamo isku dhaf ah in ay keenaan 3000 oo askari,anaga oo og in maamulada qaarkood diideen in ciidamo federaal laga dhiso maamul kooda qoondhadiina ku maqan tahay?


2-Yaa eeda leh dastuurka weli qabyadaa annaga oo og in maamuladu taagan yihiin qodobada dawladnimada ka soco la,dahay haddii la taabto waaban goosan oo qaar shirkii Garoowe sidaas uga dhaqwaaqay?


3-Wadashaqeyn la,aanta gobolada iyo dawlada federaalka yaa eeda leh annaga oo og in labada gole ee sharci dejintu wax kasta oo ay sameeyeen maamulada qaar diideen ayada oo ay ayagu soo doorteen oo ay matalaan?
4-Go,aanadii Samareeb 1,2,3, iyo 17 Sabteembar Muqdishou oo la wada saxiixay ee doorashada yey ka socon la, yihiin?
5-Isla doorashada aan su,aal ka dhehee waxaa la yiri askar iyo shaqaale baa gudiyada ku jira cida dooda qabta maxay u soo bandhigi waayeen magacyada dadka ay diidan yihiin si loo bedelo?


6-Ugu denbayn gobolada dalka ee federaalka loo sameeyey waxaa wada degan dadkii is dagaalay oo la yiri isma aamini kartaan ee federal qaata,lamana raacin sida tastuurku qabo wixii is ogol,waxaa inoo dhisay si qasab ah oo aan dadka waxba la weydiin Cononeyl Gabre,Jubalaand ,Hirshabeelle,Galmudug,Puntilaand ,koofurgalbeed iyo Soomaalilaand xaggee is ogolaashuhu ka jiraa sow khasabkii Gabre maaha?


7-Ugu denbayn ma idin la tahay Soomaali iyo Heritage aan su,aalee Federaaalka caynkaas ah ee qabyaaladeysan in aan horey ugu socon karno ?
8-Heritage ma xaldoon Soomaaliyeed baa mise waa NGO u adeegaaya baladii faraha noo gelisey federal qabyaaladeysan?
Fadlan qof kasta haysku dayo in uu su,aalaha jawaab u helo hana sheergareeyo.
Wabilaahi Towfiiq.
Dhiblaaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.