Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Ra’iisalwasaare Rooble iyo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa waxay kawada hadleen arimaha dhaqanka iyo Colaad Beeleed kasoo cusboonaaday Galmudug gaar ahaan dilal maalmihii dambe ka dhacaayey deegaanada u dhaxeeya Balanbal iyo Guriceel.
Ugaas Maxamed Ugaas Axmed iyo Ra’iisalwasaare Rooble ayaa isku afgartay in wax laga qabto dagaal beeleedyada kusoo noqnoqnayo Galmudug iyadoo la kaashanayo Maamulka Galmudug, Odayaasha Dhaqanka, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Leave a Reply