Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay Shirka Maanta Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolkan Banaadir uga furmay Magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiye Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uusan aqoonsaneyn Aqalka Sare, isla markaana aan wax tixgelin siin Aqalka, maadaama Aqalka uu dhex-dhexaadi yahay, sida ku cad Dastuurka dalka.
Leave a Reply