Madasha Aqoonyahanada Gedo oo ka hadlay Shirka Dhuusamareeb ka socda

gedo

Madasha Aqoonyahanka Gobolka Gedo, Garbahaarey, Gedo, Soomaaliya. Tr: 05/02/2021 UJEEDDO; Aragtida Madasha ee Shirka Dhuusamareeb. Xaalada siyaasadeed iyo Shirarka ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxay ku nagaadiyeen indhaha iyo maskaxda Aqoonyanhanka gobolka Gedo dareen xoog leh, iyo iney si dhow isha ugu hayaan marxaladahaas isrog-rogga badan leh.

Sidaas darteed, Madasha Aqoonyanka Gedo-Gedo intellectual forum- (GIF) waxay si durugsan oo taxadar leh isha ugu haysaa, Shirka Madaxda Faderalka iyo Madaxda DXDF ugu socda dagmada Dhuusamareeb .

Madasha oo saacadihii ugu dambeeyey qabatay kulamo looga arrinsanaayey marxaladaha cusub waxay isla-garatay :-

1. Madasha waxay cadaynaysaa in aan loo dhamayn shirka, aysan jirin cid ku matasho Gedo shirka looga arinsanayo, ayadoo ay tahay meelaha dooda ka taagantahay.

2. Madasha waxay ka digaysaa una aragtaa mid aan la dhaqan-galin karin in Axmad Madoobe uu maamulo Doorashada Jubbaland, ayadoo wali aan laga heshiin boobkii Doorashadii Kismayo uu ka sameeyey Axmad Madoobe, asagoo isticmaalaya Ciidamada Kenya.

3. Madasha waxay soo dhawaynaysaa go’aanka odayaasha reer Gedo- Balad-xaawo- ay ku diideen in Maamulka Axmad Madoobe lagala gor-gortamo Doorashada Jubbaland.

Ugu dambayn: Madasha waxay uga mahad-celinaysaa Beesha Caalamka taageerada ay la garab taagantahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’antahay in xal laga gaaro boobkii Doorashada Jubbaland uu ku sameeyey Maamulkii hore ee Jubbaland. GEDO INTELLECTUAL FORUM (GIF) DHAMAAD…………………………………………….. Email: Gedointellectualforum@gmail.com Twitter: @GedoForum

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.