Sawiro:Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir

Wasiir

Wasiirka Caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale ayaa  ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey sanadguuradii Labaad ee kasoo wareegatay dardargelinta Howlaha Isbitaalka Banaadir.

Fulinta Qaliimo muhiima oo guuleystay, in ka badan Boqol, Shan iyo Labaatan kun oo bukaan oo isugu jira Hooyooyin iyo dhallaan oo loogu shaqeeyay si lacag la’aana, soo kordhinta dhismooyin cusub oo tayo leh, dhiirigelinta iyo soo saaridda dhaqaatiir da’yar waa qeyb ka mida shaqooyinka hufan oo ay qabteen maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo maanta u dabaaldagaya sanadguuradii labaad ee dardargelinta isbitaalka, iyadoo munaasabad si weyn loo soo agaasimay ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, dhaqaatiir, culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa ugu horeyn si kooban uga hadashay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tegay, iyadoo tilmaamtay in sanadka soo socodana uu isbitaalku hiigsanaayo mid ka sii balaaran.

Sheekh Cabdi Xayi  Sheekh Aadan iyo Dr. Luul Maxamuud Maxamed ayaa ku taliyay in la garab istaago bahda Isbitaalka Banaadir oo bulshada u haya shaqo adag.

Agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maryan Aadan Amiin ayaa sheegtay in lagu guuleystay hadafkii dib loogu howlgaliyay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo munaasabada soo xirtay ayaa ku baaqday in la isku tashado oo si weyn looga qeyb qaato dhismaha Isbitaalka Banaadir oo ah madasha loogu adeego Dadka bulshada ugu nugul.

Gabgabadii ayaa waxaa munaasabadda lagu bixiyey abaalmarino iyo shahaadooyin ka tarjumaya shaqooyinkii wanaagsanaa ee la qabtay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.