Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo safar shaqo ah ku joogay Magaalada Samareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dib ugu noqday magaalada Jowhar waxaana Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Dr Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxwaynaha Hirshabeele iyo waftigiisa ayaa ka qayb galay shirkii Fashilka ku dhamaaday ee u dhaxeeyey Madaxda Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboledyada Dalka.
Leave a Reply