Waxaan Madawaynaha Soomaaliya, Mudane Maxmed Cabdulaahi Farmaajo, beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Jubbaland iyo guudahaan shacabka Soomaaliyeed ee dhageystey hadaladii xanafta lahaa ee HMJ Mudane, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu 6/02/21, ka dib shirkii Samareeb-4 fagaaraha ka jeediye. Runtii qaabka uu u hadaley iyo erayada uu adeegsadey ma ahayn hadal qof masuul ah fagaara la soo joogsado.
Waxaa hubaal ah in Madoobe adeegsiga Af-Soomaaliga uusan cayr ka ahayn hadduusan miyirqaadneyn.
Culeys kastoo haysta ama caro kastoo qabo waxay ahayd in uu ka fiirsado erayada qaarkood adeegsigooda. Waxaa marna soo dhigan in u hadlo sida qolooyinka xarga goostey ee fadhikudirku baraha bulshada. Waxaa raggu isku haye waxay ahayd siyaasad, fikirka iyo aragtida oo lagu kale leexday.
Waxaan meesha ku jirin in qabyaalad loo rogo, shaqsiyada qofka si ula kaca loo weeraro ama colaad qabiil la huriyo ama shacabka JL ee deriska iyo danwadaagta aan ishureyn ah.
Fashalka maamulka uu isaga hogaamiyo in maanta uu kula soo rafto beelaha walaaha, iskuna dayo kala qoqobidooda, si uu beryo u sii joogo Kismaayo.
Waxaan kalsooni ku qabaa in isku daygiisan fidna abuurka ah, mar horena u shaqeyn waaye, hadana mid u shaqeya uusan marnaba noqondoonin.
Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa, Axmed Madoobe cidna wakiil kama aha, afkoodana kuma hadli karo, hadday maamul tahay iyo haddaay mid qabiil tahay.
Waayo waxaan ka dheregsanahay in uusan shacabka Jubaland iyo kan guud ee Soomaalida dantooda ka faraxashay kol hore, kuna dabranyahay dantiisa gaar ah iyo tan shisheeye kalkaalnimo.
Leave a Reply