Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland ayaa waxaa gelinkii dambe ee Maanta halkaas lagu dilay mid kamid ah Darawalada ka shaqeeya Magaaladaas waxaana dilkiisa ka dambeeyey Askari kamida Ilaalada Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Xasan Cabdulle, isla markaana waxaa uu kamid ahaa darawalada ku shaqeysata gaadiidka taksiga.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro, askar ka tirsan Ilaalada Axmed Madoobe ayaa marar badan waxay dilal qorshaysan ku dileen dad shacaba oo badan.
Leave a Reply