Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray Shirka uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo kaas oo lagu wado inuu Magaalada Garoowe ka dhaco 15 Febraayo 2021.
War qoraala oo lasoo dhigay warbaahinta Puntland ayaa sidaan u qornayd.
“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.”
Leave a Reply