Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo dhaweysay shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Madaxwaynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed cabdulaahi farmaajo kaas oo dhacaya 15 Febraayo.
Maamulka Jubbaland waxay ku talisay in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Goboleed Jubbaland.
Axmed Madoobe Jubaland ayaa ayiday soo jeedinta Puntland ee ah in shirka uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Leave a Reply