Wafti Balaran oo uu kamid yihiin Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha, Gudaha Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Garaad, Taliye Bakaal Kooke, Gudoomiyaasha Degmooyinka Baladxaawo, Doolow, Bardheere iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa lagu soo dhaweeyey Magaalada Garbahaaray.
Waftigaan Waxaa Garoonka Diyaaradaha si Balaaran Ugu Soo Dhaweeyey, Gudoomiyaha Garbahareey Xasan Shiikh Cilmi Iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada.
Ujeeda Maamulka Gedo ay dhamaantood ku yimaadeen Magaalada Garbahaaray ayaan horay loo shaacin balse waxaa loo malaynayaa in uu shir uga furmi doono magaalada Garbahaaray kaas oo looga hadli doono arimaha doorashada Soomaaliya iyo Amniga Gobolka.
Leave a Reply