Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku booqday Imaan Maxamed Yuusuf, isagoo muujiyay sida uu uga xunyahay dhacdadii shalay lagu rasaaseeyay gaariga imaamka iyo duubab dhaqan oo la socday.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Imaam Maxamed Yuusuf ugu tegay raalli-gelinta rasaastii shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Astuubta Soomaaliya ay ku fureen gaari uu la socday, xili uu marayay agagaarka Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Leave a Reply