Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyadoo si xoog leh loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aden Adde.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa ujeedka uu ku yimid caasimada dalka ee Muqdisho ayaa ah ka qeyb-galka Shirka Madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee looga hadlaayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana shalay gaaray Muqdisho Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Hassan Mohamed Laftagareen.
Leave a Reply