Waxbaa is dulhoganaaya,run iyo been, xaq iyo xaqdaro, wadaniyada iyo qaa’inuwadanimo iyo qaran iyo qabyaalad, ma sahlana moowjadaha rogrogmanaaya oo midiba tan kale dusha ka fuuleyso, xaaladu waxay u egtahay weerar iyo weerar celis waxaa naloo bisleynayaa colaad sokeeye oo ay abaabulayaan shisheeye danahiisa naga dhexfushanaaya iyo kuwo Danley qawleysato ah oo aan wax naxariis iyo arxan midna ka rabin qaranka Soomaaliyeed ee u haliilaaya wax aduunyo ah oo ay jeebabkooda iyo boorsooyinkooda ku qaataan kaliya.
Soomaalidu waxay dhahdaa (HADDII LAGU SHEEGO WAA LEYS SHEELAA, HADDII LAGU SHEELANA WAA LAYS SHEEGAA) ayaan daro tan ugu weyn waa in aad kala garan weydo cadawgaaga iyo saaxiibkaaga, kan dantaada ka shaqeynaaya iyo kan haadaanta kuu qodaaya uu kugu aasi lahaa, waxaa ii muuqatay labadii sano oo la soo dhaafay isku dayo badan oo Soomaalida soo kabaneysa dib loogu celinaayey, wax yar aan soo qaato;-
1-mooshino socon waayey.
2-kicin dadweyne oo wajiyo badan laysugu deyey oo fashilmay.
3-Ishortaag iyo diidmo go’aanada , sharciyada iyo heshiisyada dawladu ku hawlaneyd.
4-Tilaabooyinka iyo go’aanada laga qaadanaayey doorashooyinka oo mar kasta is hortaag lagu sameeynaayey oo ay ugu denbeysay kii 18/02/21 lagu gaaray Baydhabo.
Isku soo wada duub 19/02/21 tilaabadii ay qaadeen shisheeye kalkaalka iyo goroyo qaaqlayaasha qaska ku caanbaxay, waxay ahayd wax laga soo meeriyey Imaaradka iyo Keenya (WAXAASU WAA FARDO OO LAYSUMA QARIYO) ama aan dhaho murti kale ee dhahaysa (WAXAASI WAA LAG IDAAD AMA BARI IDAAD EE DEELALAABO HA KU CUNIN) labada tixood ee maahmaahdaa ma kala foga oo micnahoodu wuxuu ku soo biyo shubanayaa xaalada markaas ku hortaala ka qaado go’aanka saxa ah oo hadhoow ha shalaayin.
Maanta xaaladu war badan uma baahna waxay mareysa meel halis badan,waa labo in aan kala doorano in aan dib isu celino iyo in aan ilaashano waxa aan hadda haysano oo horay u socono.
Bal ila eega Dawlada Keenya ee tiri dawlad malaha Soomaaliya badda lagala xaajoodo ee dacwada dib ha loo dhigo, Imaaraadka oo sidoo kale ku dhawaaqay in aan Soomaaliya lahayn dowlad, Kooxda Goroyo qaaqlayaashaa oo la qaba waxay ku dhawaaqeen labada dawladood oo cadawga noo ah iyo Deni iyo Madoobe ee ah midiyaha lagu jaraayo xididada dawladnimada iyo qaranimada Ummadda Soomaaliyaad.
Arintu waxay u baahan tahay dhalinyaro qaranka difaacda, culumo xaqa u tilmaanta, waxgarad iyo odayaal samaha ka taliya iyo haweenkii qiimaha badnaa oo maantoo kale shacbiga wadada saxa ah ku horkici jirey, HADDII AAN AAMUSNO WAXAY NOQONEYSAA IN AAN RAALI KANAHAY IN NALA DULEYSTO,SIDAAS DARTEED INTAAN MINDIDU CALOOSHA KU TAGEN AAN MUUJINO IN AANAAN DULEYSI OGOLAYN,OO AAN BANAANBAX MIN RAASCASAYR IYO RAASKAMBOONI KU MUUJINO IN AAN NAHAY DAD AAN LA DULEYN KARIN.
(Fadlan sheergaree waa dantaada iyo taydaba).
Wabilaahi towfiiq
Dhiblaawe,
Leave a Reply