Magaalada Hague ee dalka Holand maanta oo isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka Maarso 2021, waxaa lagu wadaa in ay ka bilaabato dhageysiga dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Qareenada matalaya Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda, waxayna ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay.
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u fara badan ayaa saacado badan hortaagan dhismaha Maxkamadda, kuwaas oo rajo wanaagsan ka qaba natiijada Maxkamadda ICJ.
“ Waxaan u rajeynayaa dacwadda la gelaayo inuu ilaahey nagu guuleeyo, dadka Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa in ay ku niyad samaadaan una soo duceeyaan,” ayuu yiri mid ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u nool dalkaas Holand.
Ergada Soomaaliya uga qayb galeysa dhageysiga dacwadda badda oo uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed Khadar ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii Kenya looga soo dhicin lahaa Badda.
Dowladda Kenya ayaa shalay iyadu shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee maanta ka bilaabanaysa maxkamada ICJ.
Leave a Reply