Akhriso:Wasiir Jamaal oo Puntland iyo Gobole kale ka hirgalinaya wadooyin Laami ah

rooble

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday  heshiis ku saabsan  dhismaha wadooyin muhiim u ah Dalka kuwaas oo wax ka badalaya isu socda bulshada iyo gadiidka.

Heshiiskan ayaa qeyb ka qaadanaya dhismaha waddooyinkan oo lama huraan u ah kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

1- Waddada isku xirta Beled Weyne – Galkayo oo  dhan  327  km.

2- Waddada isku xirta Galkayo – Garowe oo dhan 240 km

3- Waddada isku xirta Galkayo – Hobyo oo dhan 241 km.

4- Wadada isku xirta Luuq, Ganane – Dolow oo dhan 80 km.

Heshiiskaan waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan dhanka Midowga Yurub waxaa u saxiixay wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadaal xooggan dhismaha marinada dalka oo ku bur buray dagaaladii sokeeye.

Dowladda ayaa hadda ku guuleystay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhan 30-km, halka dhinaca kalena la guda geli doono jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo heshiiskii Qatar lala galay qeyb ka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.