Madaxwayne Mustafe Cagjar oo shirgudoomiyey Shir looga hadlaayey arrimaha amniga

cagjar

Kulankan oo kadhacay hoolka shirarka ee Garaad Maxamed Dool ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta hay’adaha Amniga Deegaanka iyo kuwa fadaraalka ee kahowlagala guddaha Deegaanka Somaalida, waxaana shir’gudoominayay Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar.

Ujeedada kulankani ayaa ahayd sidii loosii xoojin lahaa Amniga iyo Nabaddgalyada, maadaama oo ay soodhawdahay doorashadii 6 aad ee Dalku.

Kulankani ayaa sidoo kale la’iskulasooqaaday in Deegaanka Soomaalidu uu yahay Deegaanka ugu nabdoon Dalka, marka la’eego hanaanka ay usocdaan udiyaargarowga Doorashooyinku.

Ugu danbayna waxaa la’isla qaatay in hay’adaha nabadgalyadu ay sii labo’jibaaraan shaqooyinkii Nabadgalyo ee ay hayeen, islamarkaasina sidhow ay uwada shaqeeyaan Heerarka kaladuwan ee hay’adaha nabadgalyada heer Federal iyo heer Deegaan, islamarkaana gacan buuxda lasiiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.