Ayadoo Cudurka coronaha uu mar kale si wayn ugu soo laba kacleeyey Soomaaliya oo kiisaska cudurkaasi ay marba marka ka sii dambaysa sii badanayaan ayaa waxaa soo baxaya in cudurku uu fara kulul ku hayo deegaanno ka baxsan caasimadda Muqdisho deegaanadaas oo sida aan warar ku helayno aan lahayn qalabkii lagula tacaali lahaa cudurka iyo Taxadar la’aan ka jirta.
Deegaanadaas ayaa waxaa ka mid ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo aanan la hayn goob lagu karantiilo dadka uu soo rito Cudarka Cornaha, Xeel dheerayaasha dhinaca Caafimaadka oo ku sugan degmada ayaa sheegay in dadka oo si taxadar la’aanka u socda iyo goobaha lagu kulmo oo aysan ka jirin feejignaantii loo baahnaa ay sii kordhisay faafida Cudarka Coronaha.
Sida wararka nagu soo gaarayaan Degmada Caabudwaaq waxaa uu soo ritay caabuqa Coronaha dad badan kuwa kalena waa u dhinteen, waana adag tahay in la helo tirada dadka u geeriyooday Cudar Coronaha madaama dadka ku dhimanaayaan guryahooda.
Leave a Reply