Dalka Eritrea ayaa cambaareyey waxay ay ku tilmaantay go’aanka ‘bahdilka ah’ kadib markii Midowga Yurub uu cunaqabateyn kusoo rogay xafiiska amniga u qaabilsan dalkaas arrimo la xiriira eedeymo ku saabsan tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea ayaa lagu sheegay in aysan aqbaleyn cunabateynta waxbo kama jiraanka ah.
Waxay sheegtay in go’ankan la doonayo in lagu dhibaateeyo Eritrea isla markaana laga leeyahay dano qarsoon.
Midowga Yurub ayaa cunaqabteyn kusoo rogay xafiiska dowladda Eritrea u qaabilsan amniga oo uu ku eedeeyay in uu ka dambeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, dilal, jirddil iyo xarig.
Wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea waxay sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in xiisad uu ka dhex abuuro Itoobiya iyo Eritrea isla markaana awoodda dib loogu soo celiyo maamulkii Tigray ee xilka laga tuuray.
Ciidamada Eritrea waxaa lagu eedeeyay in tacaddiyo baahsan ay ka geysteen gobolka Tigray tan iyo markii dagaallada ay ka qarxeen halkaas bishii Nofeembar.
Eritrea waxaa lagu eedeeyay in ciidamo ay geysay Tigray si awoodda looga tuuro TPLF, waxay beenisay eedeymahaas.
Leave a Reply