Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Goor dhow War cusub kasoo saartay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo inuu si rasmi ah uga furmo xarunta ciidamada cirka Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu booriyay Madaxwayne Farmaajo inuu xaqiijiyo shir ay u dhan yihiin Maamulada dalka si loo dhameystiro heshiiska doorashada.
Sidoo kale in Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa lagu booriyey inay kaga soo qayb galaan Sharuud la’aan shirka Madaxwaynaha.
Leave a Reply