Wasirkii Amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan ee dhawaan Axmed Madoobe xilka ka qaaday kadib markii uu heshiis la galay Dowlada soomaaliya ayaa kasoo muuqday isagoo hoos fadiya Geedka cambaha Magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Wasiir Janan oo shalay lagu soo dhaweeyey Degmada baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa loo soo galbiyey Degmada doolow halkaas oo xalay ku howday Maanta waxaa Wasiir janan iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ku shireen Geedka cambaha ee degmada Doolow oo horay u ahayd goob uu wasiir janan shirarka ku qabsado.
Leave a Reply