Soomaaliyeey Maanta Waa Dhidii W/Q Jimcaale

calan

Maanta aan qormadayda ku bilaabo murti hees hawleed ah oo geela loogu heeso, dadka waa weyn oo cimrigoodu siiyey in ay waayo badan soo joogeen baa aad u garanaaya bal qiyaasa ayada oo ceelasha matooradu ayen ka jirin dhammaan dalka oo dhan, biyana ay dad iyo duunyaba u ahaayeen ceelal dhaadheer oo ilaa labaatan iyo afartan mitir ah ,weelka biyaha looga cabaana yahay wadaan maqaar ah oo qaada toban iyo labaatan liitir oo geel boqola ama ka badan in aad waraabiso aad ku qasban tahay, nin dhalinyaro ah oo shaqadaas ku guda jirey oo sida caadadu ahayd dhibka hees isku moogeysiinaaya dhinaca kalana la hadlaaya geelii uu shubayey oo shaqada dhibka badan is moogeysiinaayey baa yiri,(HADHOOW BAY ORAN LAYMA HEESIN OO DHOOB HURDAA I HELAY) geela naftiisa buu marag ka dhiganayey oo lahaa waxa aan hawl iyo dhib ku jiro oo iga dhacaysa ha ka abaaldhicin oo hadhoow been ha ka sheegin,aan dulucda u daadego,aniga oo huba in aan bulshada Soomaalida wax sheeg ku yareyn.

1-1991 wixii dhacay waxaan hubaa dhammaanteen laga soo bilaabo korneyl  Cabdullaahi Fuusuf AHN oo afkiisa ka yiri (HADDAAN SAAN IN WAX NOQONAYAAN AAN OGAAN LAHAA MA WEERAREEN),Sidoo kalana inta ilaa maanta soo gaartay ee waqtigaas wax garadka ahaa,waxay ku calaacalaan dawlad Maxamed Siyaad baa noogu denbeysey,dawladii xoogga badneyd ee aan iska duminey,waana sidey ahayd marka laga eego cafimaad,waxbarasho,shaqo abuur iyo difaaca dalka oo sugnaa,wixii dhacay ee jabhadii iyo dagaaladii sokeeye keeneen yaan lagu qaymayn qoraalkayga waa afeefe,waayo waxaan hubaa dhammaanteen in aan ka wada qayb qaadanay oo aan kaliya loo saarin Karin AHN madaxweyne Maxamed Siyaad.

(HADAY RAG RABTAA),ma ahayn shacbiga Soomaaliyeed wax ka yimid kuwa ku faana annaga duminey iyo saas baan yeelnay naftooda bay hafrayaan ,waxaase jirey in nala adeejiyey oo gacmahayaga la adeegsaday,falsafada ama ra,yiga waxaa iska lahaa shisheeye noo quuri waayey waxaan haysaney,dalkayagana kalaah dano u gaara,iney saas ahayd bal qiyaasa inta hanti laga xadaayo bad iyo biri ilaa maantana socota,maxaase loola jeedaa  arimahaan:-

1-Dastuurka qabyada ah yaa noo sameeyey?

2- Yaa noo qaybiyey todoba dowladood oo todoba madaxweyne leh?

3-Maxaa keenay bishii oktoobar ilaa manta in doorashada ka socon weydo laba maamul?

4-Maxaa dhaliil ka dhigay dawladu waxay dhistay ciiddan xoog badan?

5-Maxaa loo shareystay ciidamada amniga qaranka oo loo yiri lama aamini karo

6-Nimanka Yomamoota magangelyada kula jooga bal weydiiya in John Biden caleemasaarkiisii iyo dhaartiisii lagu ilaalinaayey 38,ooo askar ah oo laga soo qaaday 50 state ee USA?

7-Maxaa loo shareystay madaxtooyada Soomaaliya oo xalane looga doorbiday?

8-Doorashada waxaan ka sugeynaa waa lixda madaxweyne,reysulwasaaraha iyo duqa muqdishow,qaynuunka adduunku sow ma aha haddii wax laysku qabto in loo codeeyo oo Meesha loo bato la raaco?

9-Maxay ulajeedaa Beesha Caalamku doorasho hal dhinac ah oo ayyaga iyo mucaaradka isku af ka dhigay?

Aan soo ururiyee dadka Soomaaliyeed hurdada ka kaca oo indhaha fura ,yaan cid kale idiin hadlin ,ee dantiina ka hadla oo garta(DOQONTA USHA AGTEEDA KU DHUFO HADAY GARAN WEYDO LA DHAC).Haddii aad aamustaan oo bananabixi weydaan meel aydnaan ka soo kaban Karin baa laydin gaarsiin,kuwa dibadaha jog iyo gudahaba haddii laga baqay banaanbaxa koroonaha darti sameeya qoraalo kumanaan qof saxiixaan(betion) oo lageeyo xarumaha dawladaha fargelinta sameeyey iyo hanjabaada iyo UNka.

Wabilaahi Towfiiq,

JIMCAALE

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.