Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidamada ay fashiliyeen weerar gaadmo ahaa oo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saaka ay ku soo qaadeen deegaanada Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose.
Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wali ciidanku sii baacsanayaan maleyshiyaadkii soo weeraray deegaanadaas.
Leave a Reply