Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abuukar Cismaan Dubbe ayaa sheegay in uu soo gaba-bagoobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.
War qoraala oo soo saaray Wasiir warfaafinta iyo dalxiiska Soomaaliya Abuukar Cismaan Dube ayaa sidaan u qornaa.
“Waxa hadda soo gebegeboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo illaa saaka 9kii subaxnimo ka socday Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni. Shirka oo uu furay, Guddoomiyeyna Madaxweynaha JFS ayna ka soo qayb-galeen dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa lagaga wada hadlay dardar gelinta iyo hirgelinta doorashooyinka Qaranka oo ay aasaas u yihiin heshiisyadii 17kii September iyo 16kii Febraayo”.ayuu yiri Wasiir Dubbe.
Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in shirka maanta si weyn looga dooday ajandayaasha shirarka dambe ee Golaha Wadatashiga iyo dardar gelinka doorashooyinka, isagoo xusay inuu sii socon doono, isla markaana la isugu soo laaban doonaa maalinta berri ah.
Leave a Reply