Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhusamareb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Nuur gacal, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Galmudug ayaa muddooyinkii u danbeeyay safar ugu maqnaa magaalada Muqdishu ee Caasimadda dalka oo ugu qeyb galayay shirar u dhaxeeya DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa waayihii u danbeeyay waday dadaalo xal loogu raadinayay arrimaha Doorashooyinka dalka
Leave a Reply