Cudurka Coronaha oo dad badan ugu dhinteen Puntland iyo Qalab la’aan kajirta

puntland

Cudurka Coronaha ayaa mar kale si wayn ugu soo laba kacleeyey Deeganada Puntland oo kiisaska cudurkaasi ay marba marka ka sii dambaysa sii badanayaan ayaa waxaa soo baxaya in cudurku uu fara kulul ku hayo deegaanno ka baxsan Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso, kuwaas oo sida aan wararka ku helayno aan lahayn qalabkii lagula tacaali lahaa cudurka.

Guud ahaan Deegaanada Puntland ayaa waxaan jirin ama yaraaday goobaha iyo Qalabka lagula tacaalo dadka uu soo ritay Caabuqa Coranaha.

Dadka haysta dhaqalaaha ee uu ku dhaco cudurka Coranaha ayaa loo qaadaa Isbitaalka Mantiini ee Magaalada Muqdisho kuwa kale ee danyarta ah ayaa deegaanada Puntland ugu geeriyooda Caabuqa Coranaha.

Maamulka Puntland ayaanan ka hadlin dhibaatada cudarka coranaha ku hayo Deeganada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.