Waxa Maanta Muqdisho ka dhoofay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland kadib markii ay ka horyimaadeen dadaalladii la doonayay in xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada dalka Soomaaliya taas oo horay ay usaxiixeen.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa dhawr jeer hor fariistay madaxda dawladda federaalka iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada waxayna goobta wadahadalada keeneen waxaan ka mid ahayn heshiiskii 17 sebtember iyo kii 16 Febraayo ee lagu saxiixay magaalada baydhabo taas oo kusoo dhamaatay natiijo la’aan.
Deni iyo axmed madoobe ayaa maanta waxay dib ugu laabateen Kismaayo iyo Garoowe iyadoo wax soo dhaweyn ah loo sameyn lamana hadlin warbaahinta.
Shalay ayaa Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka waxa uu meel mariyay xeer uu ku sheegay in doorasho toos ah uu dalku aadayo, iyadoo muddo kordhin labo sanno ahna u sameeyay hay’adaha dawladda ee waqtigoodu dhamaaday.
soomaaliya soomaali baa leh!! madaxweynaha DFS, guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xiggeennaddiisa ,Ra’iisulwasaaraha iyo ku xiggeenkiisa . Geesiyada aan xilalkooda kor ku xusay taariikh jiilalka danbe anfacaysa ayay qoreen; caddowga ummaddana cashar bay u dhiggeen. allah (SW) ha xafido aamiin ……..aamiin