Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa kulan ay maanta ka yeesheen arrimaha soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Soomaliya.
War-murtiyeedka ayaa waxay midowga Afrika cambaareeyeen go’aankii golaha shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen barlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliya.
“Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa tallaabadii halka dhinac ahayd ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, taasi oo ku saabsanaa meel marinta qaraar uu saxiixay Madaxweynaha 13kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya”ayaa lagu yiri bayaanka.
Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la magacaabo ergay gaar ah oo ka socda midowga Afrika islamarkana dhinacyada Soomaalida ka caawiya sidii heshiis looga gaari lahaa ismari-waaga ka taagan doorashooyiinka.
Ergaygaa yay golahu waxay ku buuriyeen in muudo 4 toddobaad gudahood ah uu ugu soo gudbiyo guulaha laga gaaro qabashada doorashooyiinka Soomaaliya.
Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in wadahadalo kasta oo doorashada ku saabsan ay gundhig u noqoto heshiiskii 17 September ay gaareen dowladda fedaraalka iyo maamul goboleedyada.
Qoraalkaan oo English ah hoos ka Akhriso.
Au _Somalia is a member state . we as a somali accept brotherly help but not dictation . we have a head of state and functioning government hence that somalia sovereignty and territorial integrity must be respected.
Midowga African miciyo malahan wadanka somalia
Parlaman ayuu layahay
Go aanka aay gaareen ayaan
Raali kunahay Africa maxay
Nooqabtee in aan dhibka ku
Jirnay murshar bay noo
Soo donteen hadana inmusharkii uu sii go aayo
Ayay arkaan waxay dheheen
Ciidanka somalia halasocdo
Dhaqdhaqa aay wadaan illahay
Baan idinku dhariyay waxaas
Ma ururbaa ismacil cumar gale
Iyo uhuro ayay goaan kaqaateen oo 2baduba cadow
Ku ah somalia somaliay toosa
Africa idima rabto iyo Europe iyo carabta iyo america
Somali waxaan dhihilahaa
Kuxirma turky iyo chaina iyo
Rashiya africa naf malahan
Ayaga laquudiyaa makenya
Iyo jabuuti oo dhiiga somalia
Kunool ayaa codka idinsinaayo
No way somali tasho hadii
Aad diidan waa ladiin
Talin asc
All of you