Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Mashruuca TVET oo ka kooban Waxbarasho iyo shaqo abuur.
Saxiixa Mashruuca TVET oo ka kooban Waxbarasho iyo shaqo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Waxbarashada, Qoesheynta iyo Siihaayaha Xilka Wasiirka Shaqada ahna Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada iyo Wasiirka Qorsheynta Ee XFS.
Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada XFS Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ammaanay dadkii lagu bixiyay hirgalinta Mashruucan oo uu xusay in ay tahay howl loo baahan yahay in looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.
Sidoo Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji C/laahi Carab ayaa soo dhoweeyay dhammeystirka Saxiixa Mashruuca TVET oo uu maalgelinayo Midowga Yurub.
Ugu dambeyntii wasiirka Qorsheynta Maalgashiga & Horumarinta Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda maalgelinaysa madhruuca ee midowga Yurub.
Mashruucan oo ay ku baxayso in ku dhow 15 milyan oo doolar ayaa loogu talagalay sameynta iyo abuurista xirfadaha waxbarashada ee tababarka Farsamada gacanta, taasoo dowladdu ballan qaaday in ay uga faa’ideyo dhallinta waxbaratay ee shaqa la’aanta ku heyso Gudaha dalka.
Leave a Reply