Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta soo gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Qaar kamid ah Wasiiradiisa ayaa ugu horeyn kormeer u kuur galid ah ku tagay qeybo kamid ah goobaha uu ku fatahay Wabiga, isagoo ku baaqay inay soo dhoweynayaan cid walba oo gacan ka geysan xeritaanka goobaha uu ka fatahay wabiga Shabeelle.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Magaalada Beledweyne isagoo ku baaqay inay nabada qaataan.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay howlihii shaqo ee uu u joogay Magaalada Muqdisho iyo dadaaladii nabadeed ee la gaaray.
Leave a Reply