Ra’iisul Wasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida Taliye ku-xigeenkii Booliska ee Gobolka Banaadir

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray qoyskiisii iyo bahda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka baxay Taliye ku-xigeenkii qeybta guud Booliska ee Gobolka Banaadir Col: Axmed Cabdi (Waaweyne).

“Allaha u naxariisto Col: Axmed Cabdi (Waaweyne), Taliye ku-xigeenkii qeybta guud Booliska ee Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii argagixisadu la beegsadeen saldhigga degmada Waaberi. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisii iyo bahda Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.