Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle ayadoo ay halkaas kusoo dhaweeyeen qaar ka mid ah Wasiirada XFS, xubno ka tirsan labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa Muqdishu soo gaaray kadib casuumaad kaga timid Ra’iisul Wasaaraha XFS ee Shirka Wadatashiga qaran oo lagu wado inuu barri si rasmi ah u furmo.
Leave a Reply