Ergaygii ururka Midowga Afrika u magacaabay Soomaaliya ee dhexdhexaadinta khilaafkaadka siyaasadeed oo ah madaxweynihii hore ee Ghana, John Dramani Mahama, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Soomaaliya kadib markii Dowlada Soomaaliya ku tilmaantay inuu xiriir dhow la lee yahay Kenya
Warqad uu u qoray gudoomiyaha Midowga Afrika madaxweynaha hore ee Ghana ayuu kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika
Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso.
Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay aqbasho ergaygaa gaarka ah ee uu Midowga Afrika u magacaabay.
Warqad wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya u dirtay gudoomiyaha Midowga Afrika, ayey ku wargalisay in aanay aqbalayn oo aanay ku taageeri doonin Madaxwaynihii hore ee Ghana Mahama hawshaa ururku u igmaday Sababtoo ah isagoo gacan saar la leh Madaxda Kenya.
Leave a Reply