Gudiga Doorashada la Yaabka Leh (THE REDUCOULS COMMITTEE ELECTION OF SOMALIA) W/Q DHIBLAAWE

mucaarad

Waxaan arkay liiska gudiga doorashada ee horay loo magacaabay ee mudo shaqeynaayey, islamarkaasna tababarka qaatay una diyaarsan in ay fuliyaan hawsha doorashada,waxaan maqlaayey cabashada kooxda hadba magaca la baxda sida Midowga Xisbiyada,Midowga musharaxiinta iyo ugu denbayn Gudiga badbaadada Qaranka Soomaalidu waxay tiraahdaa(HASHU SUMADA BADANAA MA BOOLI BAA).

Sida cadada ahayd Soomaalidu geela ayey kala dhici jirtey,sidaas awgeed neef baa marar badan galay dhac marba ninka ay gacanta u gashay baa sumada reerkooda ku dhigta,sumadaha badan ee korkeeda ka muuqda baa qof kasta ku gartaa in aysan xalaal ahayn qofka Alle ka baqaayaa hadduu arko kan haysta kama ogolaado in uu caanaheeda ku marti sooro hilibkeedana iskaba daa.

Sidaas waxaan u iri aan idii caddeeyo.si aad iila fahantaan xaqiiqda:-

  1. Midowga xisbiyada aan soo qaadano,dalka waxaa ka jira oo isdiwaan geliyey in ka badan sideetan(80) xisbi, in dhawr ka mid ah sheegtaan midowga xisbiyada sow magac la booliyey ama beenabuur ah maaha?
  2. Midowga musharaxiinta,waa sidoo kale,dhamaan xisbiyada waxay isudiyaariyeen musharax madaxweyne iyo weliba kuwo kale ee aan xisbiba ku jirin,dhawr ka mid ah magacooda in ay ku hadlaan sow xaaraan maaha?
  3. Nimankii meleeshiyo beeledka Xamar soo geliyey ee isku dayey in ay kala jabiyaan Ciidamada Qalabka sida,aanu maqleeynay in ay ku dhawaaqayeen, yaa reer hebaleheey,adeer baan idiin ahay ka soo baxa ciidanka oo nagu soo biira ma qaran bay badbaadinayeen mise waa duminayeen?

Dhammaan  su’aalahaan jawaabtooda aan u  daayo akhristayaasha aan u daadego cinwaanka qormada qoladaan aan ka soo sheekeeyey, waxay cabasho u gudbiyeen Resulwasaare Rooble,waxyna soo qoreen liis ay ku jiraan sida la sheegay dad dhintay oo aan nooleyn,oo ay ku ciladeeyeen ,dhexdhexaad maaha,xubno ka mid ah ciidamada iyo shaqaale dawladeed.Umaleynmaayo in tastuurka dalku qabo in gooni loo faquuqo ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha,haddaan loola jeedin, maadaama ay mushaar joogtaa qaadanayeen intii ay dawladaan jirtey,madaxda hada joogta bay taageerayaal u yihiin,sidoo kale waxaan garan waayey qof dhexdhexaad ah,waxaan ku jirnaa doorasho qof kasta oo naga mid ah musharaxiinta mid buu taageersan yahay,ma jiraa qof ka baxsan oo aan dhana raacsaneyn?

Waxaan ku soo gunaanadayaa ma ku aamini karnaa masiirka dalka iyo ubad kayaga kuwa sidaas u fakaraaya?Fadlan ka soo talo dhiibo oo sheergaree.

Wabilaahi Towfiiq.

Dhiblaawe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.