Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam “Axmed Madoobe” oo munaasbaddii lagu dhaarinayay Wasiirada Jubbaland ka hadlay ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka ay Qabyaalada iyo qabiilku ku hayso Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha goleyaasha deegaanka, xukuumadda iyo baarlamankaba ay ka bixi waayeen in lagu soo xulo hannaanka qabiilka, taasina ay keentay in masuulka xilka ku helo qabiil in uu u qaato cidda uu u shaqeeynayo in ay tahay beesha kursigaasi geeysay.
Leave a Reply