Sawiro:Gudoomiye Cumar Filish oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis

Cumar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho taasi oo dib u dhis balaaran lagu sameyn doono.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dib-u-dhiska Balaaran ee lagu sameenayo Xarunta Degmada Cabdicasiis ay qeyb ka tahay Mashaariicda dib-u-dhis ee Maamulka Gobolka Banaadir ka fulinayo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada Caasimada, Asigoona kula dar-daarmay in shacabka ay ilaashadaan goobaha danta guud ee dib-u-dhiska lagu sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.