Wasiir Dhuumaal oo kormeeray Furimaha Dagaalka ee Jubbada Hoose

Dhuumaal

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaaladda howlgalada Ciidamada ku tegay deegaannada Buula-guduud iyo Baar Saanguuni halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka.

Wasiir Dhuumaal ayaa kulamo kala duwan oo ku aadan howlgalada socda la yeeshay Saraakiisha iyo ciidammada ku sugan furimaha hore ee dagaalka ee Buula-guduud iyo Baar-saanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Jeneraal Dhuumaal ciidammada uga mahad celiyay dhabar adayga iyo daacadnimada ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo isaga oo ballan qaaday in socdaalkiisan uusan ahayn mid mar kaliya ku kooban balse uu si joogto ah ula socon doono si shakhsi ahna mar walba uga war hayn doono xaaladaha ciidamada qaybohooda kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.