Shaki weyn iigama jiro su’aasha aan idin weydiiyey jawaabteedu in ay tahay haah mana aha wax igu cusub ee toban iyo dhawrkii sano ee u danbeysay baa marba wax igu dhibcayeen wixii iga buuxsamay baa cajalada dib u celiyey oo I tusay in marka laga soo tago jilba dhul ku dhufasaadii nalala helay 1991kii, nala gawracay 2000 oo ahayd gogoshii Carta ee Jabuuti iyo 4.5 meyd, xabaal, qax iyo dhac baa na daashaday, neef baa naga soo baxday oo waxaan in ay joogsadaan kaliya baa noo muuqatay dhibkii na daashaday farax iyo damaashaad baan ku qaadanay iyo Heestii (CALOOL NIBIRI BAAD KA SOO CELISEY) Laakiin arintu saas ma ahayn ee Cismaaciil kuwii awalba na dumiyey baa noo adeegsaday wuxuuna nagu ridey calool nibiri meel aan uga baxno godkii maalinkaas nala ku ridey lama arko, waxayna mareysaa 20 sano,waa hubaa in walaalaha reer Jabuuti ayyan dhagarta wax ku lahayn ee sideena oo kale wanaag u arkayeen ee odayga aan ku soo koobno hagardaamadaas.
Taas hore ku day bay ahayd Soomaalinimadii waxaa la meyd garaacay 2004tii iyo Imbegaati, Kenya,markii naloo sameeyey federal beelaysan oo ku wajahan afartii beelood oo aan intii kale xaq lahayn,waa dawlado beela ah oo madaxweyne dawladiisii u dhan tahay leh, halkaas waxaa ku dhumay, ismaqal, kaladanbayn iyo dawladnimo.
Bal aan is weydiino su’aalahaan oo haddii aan fahano aan is leeyahay caana daatay dabadooda la qabay baan samayn karnaa rag waa kii kufa oo haddana kacee;-
1-Maxaa naloo ku diidey doorashada qofka iyo codka ah?
2-Maxaa sagaal bilood doorashada hortaagnaa?
3-Maxaa dawladaha waaweyn qaarkood iyo beesha caalamku iskugu hawleen in aan dacwada badda maxkamada ka soo celino, madaxdayaduna u diiday?
4-Maxaa dalkii Soomaaliya loogu qaybiyey todoba dawladood oo beelaysan?
5-Kooxda argagixisada Boosaaso iyo Raaskambooni maxay u dhaafi la’dahay?
6-Heshiikii dhawaan la gaaray ee doorashada gaabiska uu ku socta iyo socdaalka Beesha Caalamka ee maamulada dalka muxuu ka turjumayaa?
7-Amaanta aan meelna haysan ee doorashada S/Laand maxaa looga golleeyahay?
8-Muxuu yahay ereyga caanbaxay ee dadkayaga oo dhan afka loogu tiray inta Afka Soomaaliga ku hadasha?
Intaas oo su’aalood iyo qaar kaloo badan waxay salka ku hayaan qabjabin, isnacsiin, kala qaybin, sii kalfogayn, midnimada iyo Soomaalinimada oo Meesha laga saaraayo iyo in la waayo wadaniyadu cid ay damqayso.
Tusaale waxaa noogu filan dadka maatada ee la xasuuqa iyo baabi’inta hantida J/Land Keenya ka wado iyo dalboobka bad iyo beri leh 18kii gobolee Soomaaliya Gedo maahee, maxaa loo waayey wax ka xanuunsada ee ka hadla?
Meyd maxaa u denbeeyey shalay waxaa la qarxiyey dhalinyaro askar qorasho u soo baxday 20 baa dhimatay 40 waa dhaawac, ku wixii ka dhiidhiyi lahaa meydkii iyo dhaawacii oo waran bay biyo wada fadhiya roob Alle keenay ka banaanbaxayeen, yaa ayaga laftooda damiin ka ahaa in aan la qarxin, askartii kala cayrisay ma badbaadiyeen mise waa caburiyeen siday hadalka u dhigayeen?
Aan ku soo koobo warkayga in Beesha caalamku gaartay qorshe mudo laga shaqeynaayey in maabka adduunyada laga tirtiro SOOMAALIYA, waana naloo bisleeyey oo annaga baa gacmahayaga ku fulineyna ayada oo aan dhiig uga daadan adduunyana uga bixin, safarka ay hadda ku hawlan yihiin Beesha Caalamka waa in ay doorashada markale dib u dhacdo, mar hore iyo haddaba isku dir iyo kala dil ay doonayaan kooxda hadda talada haysa oo ku dhega adkaatay in ay Meesha ka saaraan, waxaana hawshaas fulinaaya kooxo danleey ah oo dadka in qabyaalad ku jahawareeriyaan loo xilsaaray waxaana looga badbaadi karaa oo kaliya mid aan ii muuqan oo ah in dadka Soomaalida ah baraarugo oo meel layska dhigo siyaasada reereysiga iyo muufeysiga ku dhisan oo dhammaanteen nala ku wareeriyey.
Ciddii wax garaneysa Soomaaliya Gabi baa ka laalaadaa midnimo aan ku mintidno waxa aan hadda haysano baana uga bixi karnaa.
Wabillaahi Towfiiq,
Leave a Reply