Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa shacabka galmudug uga tacsiyadeeyay geerida Ugaas Axmed Taakow

shakuur

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ahna Musharaxa Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wuxuu dhambaal tacsi ah u dirayaa dhammaan qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo bahda dhaqanka ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy) oo kamid ahaa hoggaamiyeyaasha Dhaqanka Galmudug.

War Qoraala oo uu soo qoray cabdiraxmaan cabdi Shakuur ayaa sidaan u qornaa:-

Waxaan ehelka, asxaabta iyo dhaqanka Galmudug uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Ugaas Axmad Barre Cali (Taakooy) oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Galmudug. Ugaas Taakooy wuxuu ka mid ahaa buddhigayaashii Galmudug, nabadeedana udub dhexaad u ah. Allaha u naxariisto Ugaaska, sabar iyo iimaana Allaha maga wada siiyo.

Ugaas Axmed Barre Cali (Taakooy) ayaa waxuu Ku geeriyooday Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaana Maanta lagu aasay Degmada Caabudwaaq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.