Maxamuud Sayid oo kulan la qaatay Wasiiradii ka yimid Gobolka Gedo

Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden, ayaa maanta kulan la qaatay guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

Guddiga oo ka kooban wasiirada Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxyaabihii ay kuso arkeen Garbahaarrey uga waramay madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aaden.

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa dhankiisa guddiga uga waramay xaaladda dhabta ah ee Gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Jubbaland.

Guddiga ayaa inta ay joogaan Kismaayo waxay kulamo kala duwan la yeelan donaan wasiirada, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo odayasha dhaqanka ee kaso jeeda Gobolka Gedo si ay u helaan xog dheeli tiran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.