Golaha Midowga Musharaxiinta oo Walaac ka muujiyey Arimaha Doorashada

ridwaan

Golaha Midowga Musharaxiinta oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa War Kasoo Saaray Arimaha Doorashooyinka Dalka iyagona Sheegay Doorasho Iney Dhacdo aysan Suura Gal Aheen.

Golaha Midowga musharaxiinta ayaa soo saaray shan qodob oo ah Caqabadaha horyaala in dalka doorasho ka dhacdo.

1 – Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, taas oo abuurtay in laba guddi doorasho ay sameysmaan.

2 – Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya laga gaarin.

3 – Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

4 – In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay.

5 – U-diyaargarowgii doorashada xubnaha AqaIka Sare oo aad u hooseeya, taas oo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.