Duulaanka Qaawan ee Afrika ee ku wajahan Ummadda Soomaaliya W/Q Jimaacle

amisom

Aan ku bilaabo in aan xuso in la aasaasay Midowga Afrika 1960kii kadib markii qaarbadan oo Afrikaan ah heleen madaxbanaanidooda ay ka hoos baxeen gumeystihii caddaa,waxaa shirkaas nooga qaybgalay AHN  madaxweynahii ugu horeyey Soomaaliya mudane Aden Cabdule Cismaan,ayyada oo ujeedadu ahayd ilaalinta xuquuqda Afrikaanka,wadajirka iyo xoreynta inta weli gumeystaha ku hoos jirtey.Soomaalidu waxay tira (MEESHII CIRKA LAGA SUGAAYEY BAY CIIRYAAMO  KA TIMID),Waxaa hubaal ah intaan u soo joogay in shacbiga iyo dawlada Soomaaliya u adeegeen Afrikaanimo caloolsami ka buuxdo,waxay ku taageeri jireen warbaahintooda,sugaantooda,naftooda IWM in Afrika dhammaan xoroodo,bal dib u milicsada wixii aan ka soo marnay Simbaawi,Rodiisa,Angola,Koofur Afrika iyo Jabuuti oo aan aaminsanahay in sababta ugu weyn xoriyadooda ay  la haayeen shacbiga iyo dawlada Soomaaliyeed.(ABAAL NIN GALA WAA LA HELAA LAAKIIN NIN GUDAA WAA YARYAHAY).

Markii aan dhegestey warbixiintii Gudiga amniga Midoowga Afrika waxaan u qaatay duulaan qaawan oo lagu soo qaaday madaxbanaanida Soomaaaliya,waayo ururada noocaana marka ay diyaarinayaan go,aan noocaas ah waa in wax laga weydiiyaa dawlada uu quseeyo,goaankana ay wax ku leedahay dawlada uu quseeyo.Bal yaa wax la weydiiyey oo uga qaybgalay dawlada  Soomaaaliya?Shuruucda caalamigaa yaa ku haya dawlad madaxbanaan oo arimaheeda Masiirigaa cid kale u gaarto?,midowga Afrika waxay iska indha tireen warbixinadii caalamiga ahaa ee meela kala duwan oo adduunyada ah ka soo baxay todobaadkii la soo dhaafay, bal aan wax idin ka xasuusiyo;-

1-08/07/2021 magaalada Baariis ee Faransisska,waxaa ka dhacay shir sanadle ah ee la yiraado FAGAARAHA AFRIKA,dhammaan shirkaas waxaa looga hadlay arimaha Soomaaliya,waxaana lagu soo gunaanaday afar sano oo guul iyo horumar laga sameeyey Soomaaliya dhan walba, hoos ka dhegayso.

2-Sidoo kale 09/07/2021 Golaha amaaanka Qaramada Midoobay oo falanqeeyey,arimaha Sooamaaaliya iyo soo jeedintii kooxda mucaaradka ee ahayd Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ha ka haro musharaxnimada,waxay ku soo dhamaatay afar sano oo guul iyo horumar laga sameeyey Soomaaliya ,soo jeedinta mucaarad ku sheegana lagu tilmaamay wax aan la aqbali Karin ,loona soo jeediyey in ay raaligelin ka bixiyaan,hoos ka dhegeyso.

3-James swan oo isna booqday todobaadkii hore Keenya ayaa isna xusay horumarka ka dhacay Soomaaliya afartii sano ee ina dhaaftay,asaga oo dawlada Keenya uga digey in ay Soomaaliya ka deyso faragelinta.

Aan ku soo gunaanado Midowga Afrika (SIDAAN UGU LISNAY NOOGUMA HAMBAYN) arin kale baa waxay ahayd (DOQONTA USHA AGTEEDA KU DHUFO HADAY GARAN WEYSO LA DHAC),gudigii dhe xdhexaadin ku sheega ee Afrika ee warbixintooda ku soo koobay Keenya Soomaaliya fargelin kuma hayso waxay ahayd ul agtayada lagu dhuftay xukuumada maahee shacbiga Soomaaliyeed kama jawaaabin,haddaba (MA HARIN HADAL LAY YIRAAHD) Farmaajo kaligiis ma leh dalka, Soomaaliya Soomaali baa leh,aan ka dhiidhino waxa ka soo baxay Midoowga Afrika,Keenya iyo saaxiibadood baa qortay micnahana waa Soomaaliya Gumeysi ha loo celiyo,haddii aan banaanbaxyo waaweyn laga dhigin dhammaan Gobolada dalka waxaan ogolaanay gumeysi nafayada iyo caruurteena danbe.

Wabilaahi towfiiq,sheergeree,

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.