Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare ee Soomaaliya

Doorasho

Waxaa Maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 25-ka bisha July, 2021 lagu waday in dalka ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hayeeshee dib u dhac ayaa mar kale ku yimid.

Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland, Jubbland,Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa wali soo magacaabin guddiyadii  qaban lahaa doorashada Aqalka sare, inkastoo maamulka Jubbland lafilayo in maanta uu soo magacaabo.

Sidoo kale shanta dowlad goboleyd  ayaa  soo gudbin liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto degaannada maamuladaasi.

Waxaana socda dadaallo ay wadaan guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer gobol oo ay ku doonayaan in madaxda maamul goboleedyada ku soo gudbiyaan liiska murashaxiinta Aqalka Sare

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.