Mudane ka tirsanaa baarlamaankii KMG ayaa maamulka Jubbaland ugu baaqay inuu dib ugu laabto saami qeybsiga golaha wasiirrada beelaha qaar.
Xildhibaan hore Maxamuud Maxamed Samatar ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin in laga qadiyay golaha wasiirrada Jubbaland.
Wuxuu sheegay in xukuumaddii hore ee maamulkaasi sidan oo kale aysan waxba uga helin arrintaasna ay qaadan Karin mar haddii ay yihiin dad u dhashay deegaanka.
Xildhibaanka ayaa si gaar ah uga cawday beelo ay wada dhasheen oo uu sheegay in ay wada qaateen xilalkii wasaaradaha oo ka beel ahaan wada heleen. Isagoo sheegay in arrintani uu doonayo inuu kala hadlo Madaxweyne Jubbaland Axmed Madoobe
Halkan ka dhagayso:
Cadaaladu waa lama huraan