Akhriso:Waftigii Rooble oo Kenya u Fasaxay inay Duqaymaha Soomaaliya Sii Badiso

rooble

Wafti uu Hogaaminaayo Ra’iisalwasaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 10 Agoosto 2021 waxay Madaxwaynaha Kenya uhuru kenyatta kula kulmeen Magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyagoo kawada hadlay arimo badan oo kamid yihiin xirirka Labada dal, dacwada Bada, ganacsiga oo ugu horeeyo sidii loo fasaxi lahaa Qaadka Kenya ka yimaada.

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday waftiga Soomaaliya ee rooble hogaaminaayey in dacwada Bada lagu dhameeyo si Saaxiibtinimo ah, waxaa kaloo Uhuru waftiga Soomaaliya u sheegay in la fasaxo Qaadka Kenya ka yimaada.

Waftiga Soomaaliya ee uu hogaanaayey Rooble ayaa in kiray inay kawada hadleen dacwada bada iyo Fasixida qaadka Kenya basle badalkeeda Rooble ayaa sheegay dacwada Bada in laga warsugo go’aanka Maxkamada Caalimaga ah, dhanka kale wasiirka arimaha dibada Soomaaliya mar la waydiiyey in la fasaxayo qaadka kenya ayaa sheegay qaadka in uu kamid yahay arimaha ganacsiga wada hadalkiisuna dhiman yahay.

Hoos ka Aqriso Kenya oo sheegtay in laga wada hadlay dacwada Bada.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada JFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaaNairobi kula kulmay dhigiisa Dowlada Kenya Monica Juma, Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga dhanka Difaaca iyo Amniga iyo sidookale in la adkeeyo dadaalka ku aaddan la dagaallanka argagixisada.

rooble

Waxaa Xusid Mudan waftiga Soomaaliya ee kenya tagay inaysan marnaba Kenya kala hadlin Xasuuqa iyo Burburka Ciidamada kenya ka gaysteen Deegaanada Jubbaland kaas oo sababay dhimasho shacab, Burbur hanti farabadan iyo dilal loo gaystay xoolihii noolaa ee Bulshada dhaqanaysay.

ujeedka kenya ugu waynaa ee kenya ka la hayd inay Ra’iisalwasaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku casunto kenya ayaa ahaa inay Masawiro ka qaadato ayadoo aduunka tusaysa in Soomaaliya iyo Kenya xiriirkooda soo Fiicnaaday taas badalkeeda go’aanka maxkamada Bada Dib loo dhigo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.