Wasiirkii Gashaandhiga Soomaliya oo kamid noqday xildhibaanada aqalka Sarre

wasiir

Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ah ee koonfurgalbeed waxaa ka bilaabatay doorashada seddax ka mid ah kuraasta golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya..

Kursiga koowaad waxaa ku tartamay Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi, waxaana ku guuleystay Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya.Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku soo baxay 74-cod, halka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi oo la tartamayay uu helay 14-cod. 3-cod ayaa xumaatay, waxaana guud ahaan codeyey 91 Xildhibaan oo Baarlamaanka Koonfur Galbeed ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.