Magaalada Muqdisho Waxaa maanta oo sabti ah ka furmi doona Shirka wadatashiga qaran ee arimaha doorashada dalka kaas oo ay ka qayb gali doonaan madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.
Kulanka oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horay loogu socon lahaa dhamaanba hawlaha Doorashooyinka dalka.
Leave a Reply