Rooble oo Sheegay inuu la xisaabtamayo ugandiiska halka Kenyatiga Macawiso u xiray

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa u yeeray safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, isagoo guddi heer Wasiir ahna u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.

Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi lagu dilay dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in aan la aqbali Karin in la dhibaateeyo muwadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisalwasaare Rooble ayaa iska dhagatiray baaqii bulshada Soomaliyeed ee ahaa inuusan kenya wax heshiis ah la galin inta ay raaligalin iyo magdhow ka bixinayso dadkii shacabka ahaa ee kenya ku dishay jubbaland iyo hantidii ay ku burburisay.

Ra’iisalwaasare Rooble ayaa intuu la xisaabtami lahaa kenya oo uu magdhow iyo raali galin waydiin lahaa badalkeeda waxuu ku amaal mariyey inuu Macawiso iyo cimaado u xiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.