Cabdimaalik Coldoon iyo Joy Isa Maxaa Ka dhaxeeya?

coldoon

Marka u horeysa inta aanaan ka jawaabin su’aasha sare aan mid kale isweydiino, waa kuwama labada qof ee magacoodu sare ku qoran yahay?

1CABDIMAALIG COLDOON waa Soomaali, waa muslim, waxbarashadiisa xirfadeed waa wariye ama suxufi ninba suu u yaqaan, wuxuu waayadaan danbe u xuubsiibtey SAMAFALE caawiya dadka danyarta ah,una raadiya nolol iyo hooy, asaga oo uga raadiya dadka Ilaahay wax siiyey ee muxsiniinta ah,in kasta oo anan tirade hayn dad badan oo magaalooyin kala duwan jooga buu wax u qabtay gudaha dalka Soomaaliya.

2-JOY IISA waa Neyjeeriyaan waa macalimad shahaado sare haysata oo iskuulo badan wax ka soo dhigtay madaxna ka soo noqotay,waxay isu bedshay WADAAD MASIIXIYA oo faafisa diinta Kiristanka waana wajiga ay ku soo gashay ciida Soomaaliya ee Gobolada waqooyi,waxayna ka aasaastay barnaamijka waxbarashada ee BARWAAQO OO MIN DUGSI HOOSE ILAA JAAMACAD AH SIDA AAN MAQLAY, laakiin wajiga runta ah ee ay fulisaa waa QOOMUL NUUDNIMO oo ah in ay isu galmoon karaan dadka isku JINSIGA AH ,waxayna saldhigatay  Degmada Arabsiyo ee Hargeysa iyo Gebiley u dhaxays a,waxay xiriir la leedahay hayad loo bixiyey XARUNTA HIDADHARKA oo aan maqlaayey in kal hore lagu soo dhaweeyey nin u ololeeya QOOMUNUUDNIMADA OO URUR NOOCAASA MADAX U ah.

Haddaba aniga oo ku nool cariga  Ingiriiska, xogtaas I soo gaartay mid aad uga badan buu hayaa Cabdimaalik, waana markii labaad oo uu xabsi u galo ka hadalka arintaan, hoos igala dhegeysta hadalkii u danbeyey ee Cabdimaalik booqashadii Muuse Biixi kadib.

Isku soo wada duub (KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO),dadkii tirade yaraa ee raacay NNK ha ahaatee Suubanaheena ee inta la soo urushay si walba loo ciqaabay ee la yiri beeniya maxamed iyo waxa uu wato oo afkoodu diiday in uu dhaho ASHAHAADADA waxaan ahayn bal aan dib u milicsano, waajibaadkii kuwaas saarnaa miyaanan na saarnayn, cadwgii aad uga xoogga badnaa nama haysto, la hadli mayo dadka Gobolada Waqooyi oo kaliya waxaan la hadlayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee lagu soo duuley DHAQANKOODA,DIINTOODA IYO DALKOODA, aan u istaagno xariga Xafidulaah walaalkeen Cabdimaalik Coldoon, culumada Soomaaliyeed meel kasta jooga codkiina aan maqalno oo dadka u horkaca difaaca dhaqanka, diinta iyo dalka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada maxay sugayaan,ogaada jiritaan aduunyada iyo tan aakhirada labaduba waxay ku xiran yihiin in aan difaacano dhaqankdena suuban,Diinteena muqadiska ah iyo dalka oo isku xiran masaajida waa in laga cambaareeyaa, banaanbax waa in laga sameeyaa oo aan laga aamusin  xariga Cabdimaalik Coldoon, waajibaadka koowaad waxaa laga sugayaa culumada iyo dhalinyarada.

Wabilaahi Towfiiq,Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.