Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah culimada Soomaalida ee ka qaybgalay kulan miimeedkii saddexaad ee Ansaaru-sunna ee dhawaan ka qabsoomay ka caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Qaar kamid ah culimadda waaweyn ee kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi General Jiir, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Almis Yaxye, Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike, Dr. Cali Maxamed Saalax iyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay, Waxayna Madaxwayne Muuse kula dardaarmeen inuu wax ka qabto dhaqanxumada laga soo sheegayo iskuulo , jaamacado iyo goobo dhaqan oo ku yaala Soomaaliland kuwaas lagu qabto wax baal marsan diinta Islaamka.
Leave a Reply